Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku abaalmariso Cole Palmer mushahar kordhin aad u weyn inkastoo qandaraaska xiddigaan ay ka harsan tahay lix sannadood.
Palmer ayaa wacdarro dhigay tan iyo markii uu xagaagii hore ka soo wareegay Manchester City, iyadoo afartii gool uu ka dhaliyay Everton Isniintii hore ay wadarta goolashiisa xilli ciyaareedkan ka dhigeyso 25 gool.
Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaana keenaya inuu qeyb ka noqdo xulka England ee ka qeybgalaya ciyaaraha Qaramada Yurub ee Euro 2024 ee xagaagan ka dhacaya dalka Jarmalka.
Si kastaba, Palmer oo mushahar ahaan u qaata 80 kun ginni isbuucii ayaa ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka yar kooxda Chelsea, wuxuuna si weyn uga hooseeyaa Raheem Sterling oo isbuucii qaata 325 kun ginni.
Si kastaba, Blues ayaa dooneysa inay abaalmariso Palmer kaasoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2030ja, iyagoo doonaya inay ka dhigeen mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda, sida ay qortay The Mirror.
Waxaa la filayaa in mushaharka Palmer uu u dhaxeyn doono 200 ilaa 250 kun ginni todobaadkii taasoo ah mushahar kordhin aad u weyn kaliya wax ka yar hal xilli ciyaareed uu kooxda joogay.
Chelsea ayaa durba wadahadalo la fureysa wakiilada ciyaaryahanka, waxayna doonayaan in hishiis la garo qandaraas cusub ka hor inta aysan bilaabanin tartanka Qaramada Yurub xagaagan.
Waxaa la filayaa in qandaraaskiisa cusub ee mushahar kordhinta in lagu daro qodoba dhigaya inuu qaadanayo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa.