Xiddiga kooxda Liverpool, Cody Gakpo, ayaa doonaya inuu adeegsado khibraddiisa si uu kooxdiisa ugu hoggaamiyo guul Final-ka Carabao Cup, kaasoo maanta lagu ciyaari doono garoonka Wembley.
Gakpo, oo ah 25 jir reer Netherlands, ayaa horey u muujiyay kartidiisa kulammada waaweyn, isagoo goolka guusha u dhaliyay kooxdiisii hore ee PSV Eindhoven finalkii KNVB Beker 2022, markaasoo ay garaaceen Ajax. Weeraryahankan ayaa qirtay inuu rajeynayo inuu ku celiyo geesinimadiisii hore, si uu Liverpool ugu dhaliyo goolka guusha kulanka adag ee maanta.
Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Carabao Cup, kaddib markii ay Chelsea kaga adkaatay final ay ka ciyaarayeen da’yaro badan. Kabtankooda Virgil van Dijk ayaa markaas dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, taasoo Reds ku hoggaamisay koobka.
Gakpo ayaa sheegay inuu si weyn u doonayo inuu la mid noqdo xiddigaha Liverpool ee taariikhda sameeyay, wuxuuna xusay in mar hore uu sidaas ka sameeyay PSV. “Hal mar ayaan ku sameeyay PSV, marka waxaan rajeynayaa inaan markale ku sameyn karo Liverpool,” ayuu yiri xiddiga reer Netherlands.
Wuxuu intaas ku daray: “Ciyaartoyda Liverpool ee waqtiga dheer joogay iyo kuwa ciyaaray finalada waaweyn waxay dareemeen sida ay u qiimo badan tahay in gool guul lagu xaqiijiyo laga dhaliyo final. Waa dareen cajiib ah, waana mid ka mid ah kuwa ugu fiican ee aad heli karto ciyaaryahan ahaan.” Reds ayaa rajaynaysa in Gakpo uu mar kale noqdo xiddig muhiim ah kulanka weyn ee tartanka.