Cody Gakpo ayaa shaaca ka qaaday dareenka qolka labiska Liverpool ee ku aaddan kulanka ay kooxdiisa la leedahay Manchester City – Gakpo waxa uu carrabka ku boobay in ciyaartaasi ay noqon doonto mid xiiso badan oo aan la inkiri karin.
Xiddiga Liverpool Cody Gakpo ayaa sheegay in kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot, oo haatan haysa hoggaanka horyaalka Premier League, ay diyaar u tahay inay bandhig weyn ka sameyso garoonka Anfield habeennimada Axadda.
Cody Gakpo ayaa uga digay Manchester City in Liverpool ay diyaar u tahay inay tusiso kooxda horyaalka haysata “waxa ay ka samaysan yihiin.”
Kooxda Arne Slot waxay siddeed dhibcood ka sarreysaa kooxda Pep Guardiola ee booska labaad kaddib 12 kulan, taasoo ka dhigaysa kulanka weyn ee Axadda ka dhacaya Anfield mid saameyn wayn ku leh tartanka horyaalka.
Liverpool ayaa kalsooni dheeraad ah ku heshay guul cajiib ah oo 2-0 ay ka gaartay Real Madrid tartanka Champions League Arbacadii, waxaana xiddiga reer Holland Gakpo uu sheegay in Reds ay ku jiraan xaalad kalsooni leh kahor kulanka adag ee ay la leeyihiin City.
“Waa fursad aad u weyn, waxaana u maleynayaa inay ka dhan tahay koox aad u wanaagsan, mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub dhab ahaantii, oo sanado badan ciyaaraha maamulaysay,” ayuu yiri. “Laakiin tani waa fursad weyn oo aan ku tusi karno waxa aan ka samaysan nahay, waana taas waxa aan qorsheynayno inaan sameyno.
“Dabcan, waxaan ku jirnaa boos wanaagsan, waa arrin aan la inkiri karin. Laakiin weli waa xilli hore oo horyaalka ah sidaas darteed ma fiirinayno shaxda darajaynta weli. Dabcan, waan ognahay xaaladda laakiin waa inaan sii wadnaa guulaha si aan ugu sii jirno hoggaanka.”