Kubad sameeyahii hore ee Real Madrid James Rodriguez ayaa ku biiray kooxda ka dhisan horyaalka La Liga ee Rayo Vallecano isaga oo ah wakiil xor ah.
Colombianka, oo 33 jir ah, ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay kooxda reer Brazil ee Sao Paulo xagaagan.
Waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa Copa America bishii July ka dib markii uu caawiye ka ahaa lix gool oo Colombia ay u soo baxday finalka, halkaasoo ay ku garaacday Argentina.
Rayo Vallecano ayaa ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga iyada oo xilli ciyaareedkan ku bilaabatay guul iyo bar-baro. Waxa ay ku dhameysteen kaalinta 17-aad xilli ciyaareedkii hore.
Rodriguez ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah Koobkii Adduunka 2014kii wuxuuna u saxiixay Real Madrid dabayaaqadii xagaagaas.
Waxa uu u ciyaaray 125 jeer kooxda heysata horyaalka Spain ka hor inta uusan amaah labo sano ah uga tagin Bayern Munich, Kadib wuxuu ku biiray Everton 2020kii.
Waxa uu u ciyaaray 26 jeer Toffees laakiin waxa uu ka tagay 12 bilood heshiis laba sano ah oo uu ugu biiray kooxda Qatar ee Al Rayyan.
Waxa uu ku biiray Olympiakos sanad kadib ka hor inta uusan u dhaqaaqin Sao Paulo 2023kii.