Fowdo ayaa ka dhalatay finalka Super Cup-ka Turkiga iyadoo ciyaartoyda Fenerbahce ay ka baxeen garoonka kadib markii ay hal daqiiqo oo kaliya la ciyaareen kooxda Galatasaray.
Labada kooxood ee Istanbul ka dhisan ayaa ku kulmay garoonka Sanliurfa 11 Nisan Stadium laakiin Fenerbahce ayaa soo saftay kooxdeeda 19 jirada iyagoo mudaaharaad weyn sameynayay.
Ciyaarta ayaa markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga bishii Diseembar, balse qorshahaas waa la joojiyay ka dib markii Sacuudiga ay diideen in ciyaarta lagu maamuuso Mustafa Kemal Ataturk, madaxweynihii ugu horeeyay ee Turkiga.
Taageerayaasha labada kooxood ayaa qorsheynayay inay soo bandhigaan boorar lagu maamuusay Mustafa Kemal Ataturk halka ciyaartoyda ay doonayeen inay xirtaan funaanado uu wajigiisa ku sawiran yahay, markii taas loo ogolaan wayay ciyaarta waa la kansalay.
Bedelkeeda waxaa ciyaarta lagu jadwaleeyay shalay oo Axad aheyd balse waxaa taas ka carootay Fenerbahce madaama ay Khamiista la ciyaarayaan Olympiacos lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Europa League.
Codsigooda oo sidoo kale ay ku jirtay in garsoorayaal ajaaniib ah ciyaarta loo dhiibo ayaa sidoo kale laga diiday, sidaasi darteed waxay go’aansadeen inay soo safaan da’ yartooda iyadoo tababare ku xigeenka Zeki Murat Gole uu hogaaminayay.
Mauro Icardi ayaa daqiiqadii ugu horeysay shabaqa ka soo taabtay Fenerbahce taasoo keentay in ciyaartoyda Fenerbahce ay garoonka isaga baxaan.
Galatasaray ayaa la dabaaldegtay taageerayaasheeda, ka dibna waxay la ciyaareen kooxdooda da’ yarta si ay ugu yaraan waqtiga uga dhuminin taageerayaashii garoonka soo xaadiray.
Xiriirka kubada cagta Turkiga ayaa go’aan kama danbeys ah ka gaari doona dhacdadaan.