Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wajaheyso dhibaato macquul ah oo ka imaan karta muuqaal baraha bulshada ah oo uu soo dhigay Enzo Fernandez kaas oo uu ka muuqday heeso cunsuri ah.
Ciyaaryahanka khadka dhexe oo qiimo ka badan 105 milyan oo ginni Benfica kaga yimid Chelsea 2023kii ayaa wuxuu matalay Argentina Copa America.
Si la mid ah sidii uu ku sameeyay Koobkii Adduunka 2022, Fernandez waxa uu door muhiim ah ka qaatay in qarankiisa uu ku guuleysto koobka markii ay ka badiyeen Colombia habeenkii Axada.
Inkastoo 23 jirkaan uu haatan qaadan doono nasiino ka hor inta uusan ka qeybgalin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxay u muuqataa inuu haatan wajihi doono xaalad xun marka uu dib ugu soo laabto kooxda.
Guusha Mareykanka ka dib, Fernandez ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal isaga iyo saaxiibadii Argentina oo ay ku luuqeynayeen hees cunsuri ah oo ay si xun ugu af lagaadeeyeen dadka Faransiiska, wallow haatan uu raaligelin ka bixiyay.
Erayada Heesta waxaa ka mid ah:
“Waxay u ciyaaraan Faransiiska, laakiin waalidkood waxay ka yimaadeen Angola.
Hooyadood waxay ka timid Cameroon, halka aabbahoodna uu u dhashay Nigeria.
“Laakiin baasaboorkooda waxaa ku qoran Faransiis.”
Heestani ay ku luqeeyeen ciyaartooyds Argentina ayaa falcelin badan ka dhalatay, iyadoo haatan qeybo badan oo kubada cagta iyo ka baxsanba ay bilaabeen inay maxkamadd la tiigsadan ciyaaryanadii Cunsuriyadda ku kacay.
Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Faransiiska oo magacooda loo soo gaabiyo FFF ee Philippe Diallo ayaa si deg deg ah u cambaareeyay muuqaalka, isagoo ku yiri war saxaafadeed:
“Madaxweynaha xiriirka Française de Football, Philippe Diallo, wuxuu si adag u cambaareynayaa hadallada cunsuriyadda iyo takoorka aan la aqbali karin ee lagula kacay ciyaartoyda xulka qaranka Faransiiska.
macnaha guud heesta ay ku luuqeeyeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha xulka Argentina kadib guushii ay ka gaareen Copa America oo laga sii daayay muuqaal baraha bulshada.
“Marka la eego sida ay u daran yihiin hadaladan naxdinta leh, ee ka soo horjeeda qiyamka ciyaaraha iyo xuquuqul insaanka, Madaxweynaha FFF waxa uu go’aansaday in uu dhiggiisa Argentina iyo FIFA si toos ah u horgeeyo maxkamad, isla markaana uu u gudbiyo dacwad ka dhan ah isir nacayb iyo midab takoor. hadallo ah.”
Dhanka Chelsea, si kastaba ha ahaatee, arintu waxay yeelan kartaa caqabado culus, iyadoo ciyaartoyda Faransiiska ee Stamford Bridge ay aad u xanaaqsanyihiin, lagana cabsi qabo in gacan ka hadal uu dhaco.
Daafacyada Chelsea Wesley Fofana, Malo Gusto iyo Axel Disasi ayaa muujiyay inay aad uga xanaaqen muuqaalia Enzo iyagoo bilaabay in asxaabnimadii Account-da baraha bulshada kala laabtaan.
Chelsea ayaa arinta si dhab ah u qaada dhigaysa ayna bilaabeen baaritaan.
Fernandez waxa uu u muuqda mid Chelsea galiyay xaalad aad u adag, waxaana la sugaya go’aan maalmaha soo socda kasoo saari doonto ficilkii xuma ee uu sameeyay Enzo.