Ciyaartoyda Chelsea qaarkood ayaa ka qoomamoonaya heshiisyadii waqtiga dheer ahaa ee ay u saxeexeen Blues, kaddib guul-darrooyinka xidhiidhka ah ee kooxdaasi ay diiwaangelisay isla markaana keentay inay u dhacdo kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League.
Tan iyo May 2022 oo ahayd markii uu Todd Boehly mulkiyadda kooxda kala wareegay Roman Abramovich, Blues ayaa go’aansatay inay aad u dheerayso waqtiga heshiiska ciyaartoyda ay soo iibsanayaan, waxaana ugu horreeyey Mykhailo Mudryk oo June 2023, ay £88.5 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Shakhtar, iyaga oo laacibkan ka saxeexay heshiis siddeed sannadood iyo badh ah.
Waxa ku xigay Enzo Fernandez oo ay £106.8 milyab oo Gini kusoo iibsadeen oo ay ka saxeexeen heshiis socon doona illaa sannadka 2031, halka Moises Caicedo iyo Nicolas Jackson oo xagaagii yimid ay iyagana qandaraasyadoodu soconayaan illaa laga gaadhayo sannadaha 2031 iyo 2030.
Waxa iyaguna dariiqaas oo kale la mariyey Robert Sanchez, Benoit Badiashile, Djordje Petrovic, Noni Madueke, Cole Palmer, Malo Gusto, Romeo Lavia, Lesley Ugochukwu iyo Deivid Washington.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, qaar ka mid ah ciyaartoyda heshiisyada dhaadheer saxeexay ayaa ka qoomamoonaya ogolaanshaha heshiis ka badan shan sannadood.
Sidoo kale, waxa xaaladda sii xumaysay xaaska Thiago Silva oo tababare Mauricio Pochettino usoo jeedisay inuu is-casilo kaddib ciyaartii Wolves ay 2-4 ku garaacday iyagoo waliba ku dheelayay Stamford Bridge, laakiin Silva ayaa falka ay xaaskiisu samaysay ka raalligeliyey tababaraha, sida uu Pochettino maanta u sheegay warbaahinta.