Jamie Carragher wuxuu aaminsan yahay in ay jiraan ‘afar ama shan ciyaaryahan’ oo ka tirsan kooxda Liverpool kuwaasoo Arne Slot uusan jeclayn, islamarkaana uu doonayo inuu beddelo dhammaadka xilli ciyaareedka.
Liverpool ayaa tallaabo weyn u qaaday hanashada horyaalka Premier League kaddib guushii ay ka gaareen Manchester City Axaddii.
Kaddib markii Arsenal ay ku dhicisoowday West Ham United, Reds waxay haatan hoggaanka ku hayaan 11 dhibcood, taasoo sare u qaadaysa rajadooda hanashada horyaalka Ingiriiska.
Haddii Liverpool ay ku guuleysato horyaalka, waxay u noqon doontaa Arne Slot xilli ciyaareed cajiib ah. Slot ayaa xilka kala wareegay Jurgen Klopp xagaagii hore,waxaana loo xilsaaray waajibaad aad u culus.
Liverpool ayaa ilaa hadda hal ciyaaryahan uun la saxiixatay xilli uu maamulka kooxda gacanta ku hayo tababaraha Dutch-ka ah – Federico Chiesa, kaasoo 10 milyan oo ginni lagu keenay. Xiddiga xulka Italy wuxuu inta badan ka ciyaaray doorka beddelka, isagoo kaliya saddex kulan kusoo bilowday xilli ciyaareedkan.
Qorshaha Liverpool inta ka harsan xilli ciyaareedka wuxuu noqon doonaa inay heshiisyo cusub ka saxiixdo Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah, maadaama ay haatan ku jiraan lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskooda.
Laakiin halyeeyga kooxda, Jamie Carragher, wuxuu aaminsan yahay in Slot uu durba go’aansaday ciyaartoyda uu doonayo inuu iska fasaxo xagaaga, wuxuuna aaminsan yahay in saddex xiddig oo cusub looga baahan yahay safka koowaad.
“Waxaan dhihi lahaa, waxay noqonaysaa wax xiiso leh, Slot ma uusan soo iibsannin ciyaartoy dhab ah,” ayuu Carragher u sheegay Sky Sports kaddib guushii 2-0 ee City.
“Waxaan dhihi karaa Chiesa,Jota,Nunez,Elliot iyo Endo waa kuwo uusan muhiimad gaar ah siin Slot”
“Waxay iibsadeen Chiesa daqiiqaddii ugu dambeysay si uu u daboolo booska Salah haddii uu dhaawacmo. Wuxuu hadda aad u fahmi doonaa kooxda marka la gaaro xilli ciyaareedka dambe, waxaana si daacadnimo ah u dhihi karaa, wuxuu si joogto ah u isticmaalay kaliya 14 ama 15 ciyaaryahan.
“Waxaa laga yaabaa inay jiraan afar ama shan ciyaaryahan oo uu u arko inaynan ka mid noqon karin qorshihiisa. Ma aha dhaliil, laakiin wuxuu u maleynayaa hadda inuu garanayo waxa kooxda ay u baahan tahay.
“In kasta oo ay kooxda u muuqato mid hananaysa horyaalka, haddana waxaan aaminsanahay inay jiraan saddex boos oo si weyn loo horumarin karo.”
Carragher wuxuu sheegay in Liverpool ay u baahan tahay inay hesho daafac bidix, weeraryahan dhexe iyo khad dhexe oo weerar ah, kuwaasoo si toos ah ugu soo biiri kara safka koowaad.