Sporting CP xiddiga katirsan ee Geovany Quenda ayaa isha ku haya ku biirista kooxda Ruben Amorim ee Manchester United, sida lagu sheegay warbixin caawa soo baxday.
Red Devils ayaa isku diyaarinaysa dib u habeyn weyn oo xagaaga ah ka dib markii ay kaliya la soo wareegeen Patrick Dorgu iyo Ayden Heaven bishii Janaayo.
Xaalada dhaqaale ee kooxda ayaa weli ah mid aan fiicneyn, shirkada INEOS ayaa soo saartay bayaan walaac leh Talaadadii, laakiin waaxda suuqa ee Man Utd ayaa aaminsan inay awoodi doonaan inay sameeyaan saxiixyo waaweyn xagaaga.
Man Utd ayaa lala xiriiriyay dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdii hore ee Ruben Amorim ee Sporting CP maadaama ay si dhow ula socdaan nidaamka uu Portuguese-ka doonayo inuu ka hirgeliyo Old Trafford.
Viktor Gyokeres iyo Geovany Quenda ayaa ah kuwa ugu cadcad ee lala xiriirinayo kooxda Manchester, waxay u muuqataa inuu doonayo la shaqeynta tababare Amorim.
Sida laga soo xigtay TEAMtalk, Quenda wuxuu doonayaa inuu mar kale la shaqeeyo Amorim ka dib markii 40-jirkaan uu siiyay fursadii kulankiisii ugu horreeyay ee Lisbon.