Goorma ayaa dib loo ciyaari karaa kulanka Merseyside derby ee u dhexeeya Everton iyo Liverpool?
Labada kooxoodba waxay leeyihiin jadwal aad u adag inta lagu jiro Christmas-ka iyo sanadka cusub iyadoo Carabao Cup, FA Cup iyo Champions League ay barbar socdaan Premier League.
Kulanka ugu dambeeya ee Merseyside derby ee Goodison Park ee u dhexeeya Everton iyo Liverpool ayaa dib loo dhigay iyadoo Dabeylo duufaanno wata ay garaacday UK.
Go’aanku wuxuu madax xanuun ku abuuri doonaa jadwalka horyaalka.
Bayaanka Everton ayaa ku adkeystay in macluumaad dheeri ah la raacin doono oo ku saabsan taariikhda cusub ee kulanka, iyadoo kulanka kale uu ka dhici doono Anfield 2da Abriil 2025.
Bayaan kasoo baxay Toffees ayaa u dhignaa sidan: “Kadib shirkii Kooxda La-talinta Badbaadada ee ka dhacay Goodison Park, oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socday labada kooxood, iyo sidoo kale wakiilo ka socday Booliska Merseyside iyo Golaha Magaalada Liverpool saaka, ayaa la go’aamiyay, iyadoo ay ugu wacan tahay khatarta badbaadada aagga deegaanka sababtoo ah waxaa jira duufaan xoog leh, iyo digniin dabayl daran oo soconeysa ilaa 6 subaxnimo ee Axadda, kulanka maanta waa in dib loo dhigo sababo ammaan dartood.
Bayaanka Everton ayaa ku adkeystay in macluumaad dheeri ah lasoo saari doono oo ku saabsan taariikhda cusub ee kulanka, iyadoo kulanka kale ee lugta labaad uu ka dhici doono Anfield 2da Abriil 2025.