Xulka Spain ayaa rigoore 5-4 kaga badiyay xulka Netherlands ka dib markii ay isku dhaafi waayeen barbaro 3-3 ah 120 daqiiqo oo ay ciyaareen lugtii labaad ee wareega sideed dhamaadka UEFA Nations League.
Labada xul oo barbaro 2-2 ku soo kala baxay lugtii hore ayaa mar kale qoorta isku galay iyadoo Spain ay hogaanka ku hormartay markii uu rigoore u dhaliyay Oyarzabal laakiin waxaa isna rigoore ugu barbareeyay xulka Holland Memphis Depay. Oyarzabal ayaa mar kale hogaanka ku soo celiyay La Roja, waxaa hadana Holland u barbareeyay Maatsen. 90kii daqiiqo ee ciyaarta waxay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah taasoo keentay in labada xul ay isla aadaan 30 daqiiqo oo dheeri ah.
Xiddiga Barcelona Lamine Yamal ayaa hogaanka u dhiibay Spain daqiiqadii 103aad, laakiin Holland kama aysan harin oo waxaa mar kale u barbareeyay Xavi Simons oo dhaliyay rigoore daqiiqadii 109aad ee ciyaarta.
Waxay taasi keentay in ugu danbeyn rigoore la isla aado, inkastoo uu Spain rigoore ka qasaariyay 17 jirkooda Lamine Yamal hadana waxaa Netherlands labo rigoore ka qasaariyay Lang iyo Malen iyadoo Pedri uu rigoorada guusha u saxiixay xulka Spain.