Erling Haaland ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta qasaariyay rigoore, iyadoo Manchester City ay dhibco ku lumisay Everton horyaalka Premier League.
Bilawgii quruxda badnaa ee kooxda difaacanaysa horyaalka Man City ayaa keenay in ay hogaanka u qabtaan Everton iyada oo Bernardo Silva uu dhaliyay kubad uu ka xoogsaday Jarrad Branthwaite, laakiin Ndiaye ayaa ku ciqaabay City kubad ay daafceeda awoodi waayeen in ay iska saaraan, waxaana ciyaarta uu ka dhigay barbaro.
Savinho ayaa Haaland siiyay fursad uu City hogaanka ciyaarta ugu soo celin karay, markii loo dhigay rigoore, laakiin wuu awoodi waayay weeraryahanka Norway inuu dhaliyo kubadaas.
Haddaba kulanka oo guud ahaan ku dhamaaday barbaro 1-1 ah waxyaabaha la bartay waxaa kamid ah.
Tan iyo bilowgii November 2024, kaliya FC Heidenheim oo ka dhisan Budusliga oo laga dhaliyay 28 gool ayaa goolal ka badan laga dhaliyay tartamada oo dhan Manchester City oo laga dhaliyay 26 gool.
Labada koox ee Heidenheim iyo Man City ayaa kooxaha laga dhaliyay goolasha ugu badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, sida ay baahisay Squawka.
Man City dhibaatada difaaca heysata waxaa kuu cadeyn kara 13kii kulan ee ugu danbeeyay waxaa laga dhaliyay 27 gool, waana wax aan hore u dhicin taariikhda.
Guardiola wali xaalada difaaciisa ma fadhido, waxaana kooxdiisa ay u baahan tahay isbedel deg deg ah oo qeybta danbe ee difaaca ah.
Jordan Pickford ayaa haatan badbaadiyay labadii rigoore ee uu wajahay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.
Tan koowaad waxa uu ka beeniyay xiddiga garabka Newcastle United ee Anthony Gordon, halka Erling Haaland uu ka qabtay markale kulankii galabta.
Goolhayaha caalamiga ah ee Everton waa markii 7-aad ee rigoore uu badbaadiyay horyaalka Premier League.
Tani ayaa la micno ah in haaland uu kusii jiro abaartii ugu dheereyd ee gool l’aan ah kadib markii uu qasaariyay fursadiisii rigoorada.