Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa la sheegay in aanay ka amar-qaadanin ciyaartoydiisu oo aanay dhegaysanin amarkiisa iyo tilmaamihiisa isla markaana qolka labbisku uu noqday mid aanay ka jirin wax kala dambayn iyo nidaam ah.
Wargeyska Daily Mail ayaa bishii hore qoray warbixin uu ku sheegay, in ciyaartoyda Manchester United ay filayaan in la eryi doono tababare Erik ten Hag dhamaadka xilli-ciyaareedka, laakiin markii ay Isniintii Crystal Palace 4-0 ku garaacday ayay xaqiiqsadeen in aanu sii joogi doonin.
Sir Jim Ratcliffe ayaa la sheegay in ay ka go’an tahay in uu isbeddel ku sameeyo kooxda marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku, waxaana uu kaliya sugayaa inta ay dheelayaan saddexda ciyaarood ee horyaalka ee uga hadhsan iyo finalka FA Cup oo ay la ciyaari doonaan Manchester City dhamaadka bishan May.
Ciyaartoyda kooxda ayaa la sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa ay sii kordhinayaan inay ka dhego adaygaan tababare Erik ten Hag oo hadda ay isla soo gaadheen heer aanay qaadanin tilmaamihiisa ciyaareed, waxaana arrintan loo nisbaynayaa inay sabab u ahayd natiijooyinkii xumaa ee Burnley iyo Bournemouth oio ay barbarro la galeen iyo Coventry oo ay rikoodheyaal cidhiidhi ah kaga soo gudbeen.
Arrintan ayaa waxa ay ku qasbaysaa Sir Jim Ratcliffe in uu sameeyo isbeddello dhinaca tababaraha ah oo qasab ah mar haddii ay ciyaartoydu ka hor yimaaddeen Erik ten Hag.