Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Christian Eriksen ayaa shaaciyey in aanu ku faraxsanayn kooxdiisa oo uu ku dhibaatoonayo xilli-ciyaareedkan, kaddib markii uu noqday ciyaartoy kursiga kaydka fadhiya.
Christian Eriksen oo ay da’diisu tahay 32 jir ayaa waxa qandaraaskiisa Manchester United uu soconayaa illaa June 2025, waxaase uu isku dayi doonaa inuu ku riixo naadigiisa inay fasaxaan xagaaga, si uu u tago naadi kale oo uu ka helo fursad ciyaareed oo badan.
Kubbad-sameeyahan oo xagaagii 2022 si xor ah ugu soo biiray Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkan kusoo bilowday 11 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanafursaddiisa hoos u dhigay dheemanka Man United ay kala soo baxday kulliyaddeeda ee Kobbie Mainoo oo ah 18 jir boos joogto ah laga siiyey khadka dhexe.
Si kastaba, Eriksen oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey cadhadiisa, waxaanu yidhi: “Waan kala hadli doonaa Erik ten Hag sida aanan waqtigan ugu faraxsanayn, sababtoo ah waxa aan doonayaa in aan ciyaaro waqti badan.