26-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Allianz Stadium waxaa uga harsan kaliya hal sano.
Wakiilka xiddiga heerka caalami ee dalka Talyaaniga Federico Chiesa iyo wakiilo dhowr ah oo ka socda Juventus, oo uu ku jiro agaasimaha isboortiga Cristiano Giuntoli, ayaa xalay yeeshay kulan deg deg ah oo casho ah oo ay uga hadlayaan suurtagalnimada u wareegida Liverpool ee Chiesa.
Wakiilka Chiesa, Fali Ramadani ayaa la arkay isagoo la kulmaya Giuntoli, agaasimaha indha-indheeya Juve Stefano Stefanelli iyo madaxa shaqaalaha kubbadda cagta Giuseppe Pompilio goor dambe oo habeenkii xalay ahayd.
Kulanka ayaa yimid ka dib markii la sheegay inay xiiseynayaan kooxda Premier League ka ciyaarta ee Liverpool, kuwaasoo rajeynaya inay soo gabagabeeyaan heshiiska Chiesa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga ee isbuucaan.
Chiesa ayaa lagu heli karaa lacag dhan 15 milyan euro ka dib markii uu u sheegay Thiago Motta inuusan ka mid noqon doonin qorshaha kooxda koowaad ee xilli ciyaareedka 2024-25.
26-jirka ayaa si gaar ah ugu tababaranayay Continassa.
Garabkii hore ee Fiorentina ayaa xitaa hoos uga sii dhacay heerka sarre ee Juve maalmihii la soo dhaafay, ka dib imaatinka Nico Gonzalez oo ka yimid Fiorentina iyo Francisco Conceicao oo amaah uga yimid Porto.
Soo ifbaxa Samuel Mbangula ma caawin sidoo kale.
Si kastaba Liverpool ayaa maalmaha soo aadan ku dhameystiri doonta heshiiska Chiesa.