Wargeyska Tuttosport ayaa daabacay in Juventus ay fasaxi doonto Federico Chiesa, Weston McKennie Wojciech Szczesny, iyo kuwo kale.
Juventus ayaa ku dhawaaqday lasoo wareegista Douglas Luiz, Michele Di Gregorio, iyo Khephren Thuram, laakin waxay kawaanka saartay oo ay iska iibinaysa darsan ciyaaryahan.
Ciyaaryahanada ay fasaxayso Juve waxaa ka mid ah,
Szczesny , Mattia De Sciglio, Daniele Rugani, Dean Huijsen , Filip Kostic , McKennie, Arthur, Caviglia ,Soulé, Arek Milik iyo Chiesa.
Thiago Motta tababaraha Juventus wuxuu aad u jeceo yahay qaab ciyaareedka Huijsen iyo Soulé, laakiin Juventus waxay diyaar u tahay inay ku iibiso labadani qiimo sare si ay u kordhiso miisaaniyadeeda suuqa kala iibsiga.
Chiesa ayaa ka fikiraya mustaqbalkiisa kooxda, laakiin Juventus ayaa suuqa galisay maadaama uu garabka ka caga jiidayo inuu saxiixo heshiis kordhin ka badan 2025.
Szczesny ayaa wadahadalo kula jiray Al-Nassr, laakiin sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Sky Sport, ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa doonaya inuu sii joogo Serie A.
Tababare Motta wuxuu si shakhsi ah ugu wargaliyay Arthur, Rugani, De Sciglio, McKennie, Milik iyo Kostic in aysan qayb ka ahayn mashruuciisa.