Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska fasaxdo xiddiga khadka dhexe ee Kiernan Dewsbury-Hall marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee January.
Dewsbury-Hall ayaa 30 milyan oo gini kaga soo biiray Chelsea dhawr bilood ka hor suuqii kala iibsiga ee xagaagii, wax sameyn ah kuma yeelan kooxda koowaad.
Waxa uu soo raacay tababare Enzo Maresca oo ku biiray Chelsea ka dib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay kooxda Leicester City.
Laakiin 26-sano jirkaan ayaan weli hal kulan ku soo bilaaban horyaalka Premier League tan iyo markii uu ku biiray Blues.
Waxa uu kaliya ka soo kacay kursiga keydka shan jeer wadar ahaan 55 daqiiqo ayuu usaftay kooxda tababare Maresca.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Football Insider, boos la’aantiisa ayaa keentay in Dewsbury-Hall uu su’aal ka keeno mustaqbalkiisa Chelsea.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo bisha Janaayo koox uu boos ka heli karo, Chelsea ayaana lagu soo waramayaa inay albaabka u furtay inuu ka tago Stamford Bridge.
Tababare Maresca ayaa si cad u sheegay in muhiim ay tahay in la tixgaliyo daabkiisa, madaama uu rabo inuu helo waqti uu ku ciyaaro xiddiga Dewsbury-Hall.