Kharashgareynta xagaaga ee Chelsea ayaa sii socda iyadoo Cole Palmer uu saxiixay qandaraas kordhin laba sano ah oo uu ku sii joogayo kooxda Galbeedka London ilaa June 2033.
Sida laga soo xigtay The Athletic, shuruudaha cusub ee Palmer ayaa ah abaalmarin ka dib markii uu guulo waaweyn ku gaadhay xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Stamford Bridge, kaas oo uu u diiwaan gashaday 25 gool iyo 15 caawin 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
22 jirkaan ayaa ahaa kan kaliya ee iftiimayay xilli ciyaareedkii adaga ee kooxda Mauricio Pochettino, qaab ciyaareedkiisa ayaana xiddiga reer England kasbaday inuu boos ka helo xulka Gareth Southgate ee Euro 2024.
Chelsea ayaa Palmer kala soo saxiixatay Manchester City xagaagii hore lacag dhan 40 milyan oo ginni iyada oo sidoo kale 2.5 milyan oo ginni oo dheeri ah ay ku kordhin karto.
22-jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis todobo sano ah oo uu ku dooran karo 12 bilood oo dheeri ah, kaasoo hadda la gaarsiiyay 2033.
Shuruudaha cusub ee Palmer ayaa ka caawin doona inuu ku qanciyo 22 jirka inuu sii joogo Stamford Bridge waqti dheer.