Chelsea ayaa dooneysa inay iibiso xagaagan 11 ciyaaryahan si lacagta ka soo xarooto ay ugu soo iibsadaan gooldhaliye weyn oo wax ka tara kooxda.
Qorshaha ugu weyn suuqa kala iibsiga xagaaga ee Chelsea ayaa ah inay soo iibsadaan gooldhaliye magac weyn leh sida ay qortay Daily Mail laakiin kooxda waxay u baahan tahay inay u hogaansanto sharciga dhaqaalaha Premier League ee PSR loo soo gaabiyo.
Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres iyo xiddiga Napoli Victor Osimhen oo haatan amaah ku jooga Galatasaray ayaa ka mid ah liiska magacyada diirada u saaran.
Sporting waxay hoos u dhigtay qiimihii ay ku dooneysay Gyokeres halka Osimhen la aaminsan yahay in lagu qiimeynayo lacag gaareysa 63 milyan ginni.
Laakiin si ay Chelsea u hesho weeraryahan magac weyn leh waa inay xaraashaan xiddigo badan oo kooxdooda dheeri ku ah si ay ugu hogaansamaan sharciga dhaqaalaha Premier League ee PSR.
Sida wargeysku qoray, Chelsea ayaa durbaba ku howlan arintaas waxayna noqon doonaan kuwa mashquul badan xagaagan.
Ma yara tirada ciyaartoyda ee ay iibin karaan waxaana ka mid ah Raheem Sterling, Ben Chilwell, Kepa Arrizabalaga, David Datro Fofana, Axel Disasi, Joao Felix, Renato Veiga, Armando Broja, Trevoh Chalobah, Alfie Gilchrist iyo Carney Chukwuemeka.
Ciyaartoydaas dhamaantood waxay ku maqan yihiin amaah marka laga reebo Chalobah oo amaahdii uu ku joogay Crystal Palace laga soo celiyay bishii Janaayo.
Ciyaartoyda kale ee la iibinayo waxaa ka mid ah Christopher Nkunku iyo Kiernan Dewsbury-Hall oo aan wax badan ka soo muuqanin horyaalka Premier League.
Inkastoo lala xiriirinayo inuu ka tagayo Stamford Bridge hadana ma jiro qorshe ay Chelsea ku dooneyso inay ku iibiso Enzo Fernandez oo lala xiriiriyay Real Madrid.