Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Marc Casado ayaa qarka u saaran in uu meesha ka saaro xiisaha suuqa kala iibsiga ee uga imanaya kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.
21-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahan muhiim u ah shaxda tababare Hansi Flick xilli ciyaareedkan, qaab ciyaareedkiisa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa soo jiitay kooxo badan oo Premier League ah.
Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha xiisaha gaarka ah u qaba Casado, waxaana lagu soo waramayaa inay la xiriireen ciyaaryahanka khadka dhexe toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo doonaya inay dhameystiraan heshiiskiisa suuqa kala iibsiga ee xagaaga.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa qandaraaskiisa Barcelona lagu burburin karaa 100 milyan oo euro, waxaana Chelsea ay dooneysaa inay ku bedesho xiddigaan Romeo Lavia io dhaawac joogta ah wajahaya.
Si kastaba ha ahaatee, Casado ayaa qarka u saaran inuu diido u dhaqaaqista Chelsea, isagoo doorbidaya inuu sii joogo Barcelona, sida laga soo xigtay majaladda Spain ee La Cadena Ser.
21-sano jirkaan ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo inuu sii joogo Camp Nou, waxaana uu ku riyoonayaa inuu kooxda kula guuleysto koobab waaweyn oo ay ku jiraan Champions League iyo La Liga.
Casado ayaa wax ka badan seddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa haatan ee Barcelona, waxaana uu ku qanacsan yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Catalan.