Chelsea waxaa loo saadaalinayaa inay tartan adag la gali karto Manchester City, Arsenal, iyo Liverpool xilli ciyaareedkan si ay u hanato horyaalka Premier League, haddii ay soo xerogeliso Victor Osimhen bisha Janaayo.
Aragtidan ayaa ka timid ciyaaryahankii hore ee Chelsea Florent Malouda, oo aaminsan in soo xero gelinta Osimhen ay kor u qaadi doonto kooxda uu hoggaamiyo Enzo Maresca oo haatanba ku jirta qaab ciyaareed fiican.
Inkasta oo la filayey in Chelsea ay la dhibtooto xilli ciyaareedka ugu horreeya ee Maresca kadib xagaagii buuqa badnaa, haddana kooxda ayaa durba heshay 14 dhibcood toddobadii kulan ee ugu horreeyay si ay ugu soo dallacdo kaalinta afaraad ee Premier League.
Kaliya kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City ayaa dhalisay goolal ka badan Chelsea oo ah koox qaab ciyaareedkeedu yahay mid firfircoon oo xiiso leh. Si kastaba ha ahaatee, Malouda ayaa aaminsan in Chelsea ay faa’iido ka heli karto keenista weeraryahanka sare ee Osimhen.
Chelsea ayaa muddo dheer xiisaynaysay inay la soo saxiixato ciyaaryahanka reer Nigeria, waxayna kooxdu xagaagii hore wafdi u dirtay Naples si ay uga wardoonaan xiddiga, balse nasiib darro kuma aysan guuleysan heshiiskaas, waxaana Osimhen uu heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Turkiga ka dhisan Galatasaray.
Osimhen ayaa 76 gool ku dhaliyay 133 kulan oo uu u saftay Napoli. Malouda ayaa ku booriyey Chelsea inay mar kale isku daydo inay hesho saxiixiisa, isagoo sheegay in ku soo biiridda Osimhen ay isla markiiba ka dhigi doonto Blues kuwa u tartamaya horyaalka.