Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay kulankii ka dhacay Villa Park kadib gool uu dhaliyay Enzo Fernandez, balse kooxda Enzo Maresca ayaa si lama filaan ah u burburtay, iyadoo Aston Villa ay goolka guusha dhalisay daqiiqaddii 89-aad.
Goolhaye Filip Jorgensen ayaa sameeyay qalad weyn goolkii labaad ee Marco Asensio, maadaama kubaddu ay si sahlan u dul martay jirkiisa.
Arintan ayaa keentay in falanqeeyaha kubadda cagta Jamie Redknapp uu si kulul u eedeeyo Jorgensen, iyo sidoo kale labada daafac dhexe ee Chelsea – Levi Colwill iyo Tosin Adarabioyo.
Isagoo ka hadlayay Sky Sports, Redknapp ayaa yiri:
“Asensio si fiican ayuu kubadda u helay, laakiin Jorgensen ma jeclaan doono inuu mar kale daawado goolkaas. Waa gool si xun loo difaacay.”
“Chelsea waxay dhibaato ku qabtay booska goolhayaha xilli-ciyaareedkan, labaduba (Jorgensen iyo Robert Sanchez) waxay sameeyeen khaladaad aad u xun.”
“Wuxuu haystay waqti badan oo uu kubadda ku arko, wuxuuna si toos ah u daawanayay goolka, balse si fudud ayay u gashay. Runtii waa wax laga xumaado.”
Redknapp ayaa sidoo kale dhaliilay Colwill iyo Adarabioyo, isagoo sheegay inaysan laheen dadaal iyo feejignaan difaac.
“Qeybtii labaad, waxaad dareemaysaa in xiddigaha Chelsea aysan lahayn khibrad ku filan, daafacasho wanaagsanna ma sameyneyn.”
“Markii kubaddu kaa dul boodo, waa inaad daba gashaa oo aad si naf-hurnimo leh u difaacataa, laakiin dareenkaas ma arko xilligan.”