Chelsea ayaa wajahaysa suurtagalnimada in laga mamnuuco tartamada Yurub kaddib markii UEFA ay diiday codsigii ay kooxda ku dooneysay in iibka kooxda haweenka lagu xisaabiyo dakhliga soo galay kooxda si loo yareeyo khasaaraha dhaqaale.
Kooxda Blues ayaa ka baxsatay jebinta xeerarka ciyaar wanaagga ee Premier League-ga iyadoo kooxda haweenka ku iibisay £200 milyan (€235m/$257m) shirkad oo ay saami ku leeyihiin oo la yiraahdo BlueCo. Arrintan ayaa ka caawisay inay xaddidaan khasaaraha isla markaana aysan la kulmin wax ciqaab ah inkastoo ay si xad dhaaf ah u kharash gareeyeen tan iyo markii uu milkiile ka noqday Todd Boehly. Si kastaba, UEFA ma aqbasho hanti sidaas lagu iibiyo in loo isticmaalo sidii dakhli, sidaas darteedna waxay u aragtay in Chelsea ay jebisay xuduudaha dhaqaale.
Natiijadaas darteed, kooxda London ayaa billowday wada-hadallo oo ay la galeyso UEFA, iyadoo sida uu qoray The Times la filayo in ay bixiso lacag heshiis ah iyo in lagu adkeeyo qorshe kharashyeed oo lagu dabaqi doono saddexda sano ee soo socota. Waxaa sidoo kale jira hanjabaad ah in laga mamnuuci karo tartamada Yurub hal xilli ciyaareed haddii ay jebiyaan shuruudaha lagu heshiiyo ama hadday markale xadgudub sameeyaan.
UEFA waxay sheegtay in kooxuhu ay khasaaro ugu badnaan €200 milyan (£170 milyan) geli karaan muddo saddex sano ah. Hase yeeshee, iyada oo aan la tixgelin dakhliga ay sheegteen Chelsea ee ka yimid iibka kooxda haweenka iyo laba hoteel, khasaaraha Chelsea ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa gaaraya £358 milyan.
Go’aanka kama dambaysta ah ee ciqaabta la saarayo Chelsea ayaa la shaacin doonaa bisha May. Si kastaba, Blues waxay wajahayaan caqabado kale oo cusub, maadaama xeerarka cusub ee UEFA ay hoos u dhigayaan boqolkiiba kharashaadka lagu bixin karo mushaaraadka ciyaartoyda, iibsiga, iyo khidmadaha wakiilada. Haddii ay hadda yihiin 80% dakhliga la oggol yahay, waxaa la dhimayaa 70% xilli ciyaareedka dambe.