Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u muuqato in loo gacan galiyay dadaalkii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahan sare xagaagan iyada oo Napoli ay u furan tahay in ay kala hadasho Victor Osimhen taas oo qayb ka ah dadaalkeeda ay ku doonayso in ay Romelu Lukaku uga soo qaadato Blues.
Osimhen ayaa hore u sheegay inuu doonayo u dhaqaaqista Paris Saint-Germain, inkastoo Napoli ay hadda u muuqato inay sahaminayso doorashooyin kala duwan.
Osimhen ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Arsenal , laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa soo jeedinaya in Chelsea ay tahay tan ugu cad cad ee ay gacanta ku dhigi karto xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria.
Napoli ayaa wali raadinaysa xal u helida Victor Osimhen iyada oo doonaysa in ay sida ugu dhaqsaha badan u keento Romelu Lukaku.
Napoli ayaa sidoo kale u furan inay kala hadasho Osimhen oo qayb ka ah wadahadalka Lukaku ee Chelsea.
Waxa ay u muuqataa in ay iska caddahay in wadahadalada PSG iyo Napoli ayna wax horumar ah sameeynin, sidaa darteed tani waxa ay u muuqataa fursad xiiso badan oo ay Chelsea ku heli karto adeega weeraryahan dhexe oo heer caalami ah, taas oo wax badan ka badali karta kooxda ka dhisan galbeedka London ka hor xilli ciyaareedka cusub.