Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul 4-2 ah ka gaadhay Leicester City oo inta badan qaybta labaad ku dheelaysay 10 ciyaartoy, waxaanay sidaas ugu gudubtay semi-finalka FA Cup oo ay kula biiray Manchester City iyo Coventry City oo Sabtidii iska xaadiriyey wareegga laba-dhamaadka.
Chelsea ayaa laba gool oo daran-doorri ahaa ku niyad-jabisay Leicester City qaybtii hore, iyaga oo waliba helay rikoodhe ay iska khasaariyeen, balse Leicester City ayaa soo laabatay qaybta dambe oo ka faa’iidaysatay gool ay iska dhaliyeen difaaca Chelsea iyo mid kale oo uu ku ladhay Mavidid.
Blues oo ay taageereyaasheedu ka niyad-jabsanaayeen awood la’aanteeda afka hore oo iyaga oo ku badda haysta haddana jabin kari la’ difaaca Leicester City ayaa lix daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta waxa laba gool u dhaliyey Chukwuemeka iyo Madueke, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 4-2.