Chelsea ayaa shaacisay go’aan rasmi ah oo ku aaddan mustaqbalka goolhaya hooda.
Chelsea ma raadineyso goolhaye cusub inkastoo Robert Sanchez uu dhibaatooyin kala kulmay bandhigiisa, iyadoo Filip Jorgensen laga yaabo inuu fursad helo.
Sida lagu soo waramay, Chelsea waxay go’aansatay inaysan keenin beddelka Robert Sanchez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee haatan socda. Sanchez ayaa ku dhibtooday Stamford Bridge tan iyo markii uu xagaagii 2023 kaga soo biiray Brighton adduun dhan £25 milyan.
Goolhayaha reer Spain ayaa bandhig liita soo bandhigay, isagoo hoggaaminaya liiska khaladaadka sababay fursadaha tooska ah ee goosha kuwaas oo loo badalay goolal dhashay.
Mid ka mid ah khaladaadkiisa ugu xumaa wuxuu dhacay kulankii ay Chelsea guuldarro 3-1 kala kulantay Manchester City Sabtidii, markaasoo uu lumiyay kubbadda 19 jeer.
Khaladka uu ka sameeyay Etihad Stadium ayaa ahaa mid muhiim ah, maadaama uu ku guuldarreystay inuu joojiyo Erling Haaland, taasoo u ogolaatay weeraryahanka City inuu si fudud u dhaliyo gool furan. Goolkaas wuxuu ahaa kii labaad ee City kadib goolkii Josko Gvardiol, halka Phil Foden uu dhaliyay goolka saddexaad daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Khaladkii Sanchez ee kulanka City wuxuu ahaa kii labaad toddobaad gudihiis, maadaama uu sidoo kale ku guuldarreystay inuu si sax ah u qabto kubbad kulankii Wolves, taasoo keentay barbarro ku meel gaar ah.
Inkasta oo uu ku jiro xaalad xun, Chelsea ayaa la sheegay inay wali kalsooni ku qabto goolhayahooda dhibaateysan. Sida laga soo xigtay wargeyska The Times, Blues ma doonayso goolhaye cusub bishan, waxaana diiradda la saarayaa xoojinta weerarka kooxda.