Masuuliyiinta sarsare ee kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa qiimayn ku samayn doona tababare Mauricio Pochettino dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana ay isla qaateen in mustaqbalkiisu ku xidhnaado shaqadii uu qabtay, kaddb markii ay taageereyaasha kooxdu dalbadeen in shaqada laga caydhiyo Pochettino kaddib ciyaartii Arsenal ay 5-0 ku xasuuqday Salaasadii.
Mikel Arteta ayaa kooxdiisa Arsenal ay xasuuqii ugu weynaa u geysatay Chelsea, waxaana laba ka mid ah goolashaas u dhaliyey Kai Havertz oo xagaagii ay kasoo iibsadeen Chelsea, laba kale oo uu ku daray Ben White iyo mid uu bilowgii ku furay Leandro Trossard.
Bahdilka ku dhacay Chelsea xalay, ayaa waxay ahayd guul-darradii 11aad ee horyaalka Premier League ah ee soo gaadha Chelsea xilli-ciyaareedkan, waana dhacdooyin fadeexad ah oo aanay kooxdaasi arag muddo ka badan 22 sannadood.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Pochettino ayaa si kasta oo ay maamulku ula dhacsan yihiin waxa mustaqbalkiisu uu ku xidhnaan doonaa bandhiggiisii xilli-ciyaareedkan iyo sida ay ku dhamaystaan horyaalka Premier League ee ay hadda kaalinta 11aad kaga jiraan.
Mail waxa uu sheegay in ay u badan tahay in Mauricio Pochettino la eryi doono haddii aanu samaynin isbeddel oo aanu guulo ku dhamaysanin horyaalka ay kulamada kooban ka hadhsan yihiin.