Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso daafaca dhexe ee kooxda Benfica Tomas Araujo kaasoo bartilmaameed u ah suuqa kala iibsiga 2025.
Iyadoo rajo wanaagsan ay ku bilowdeen ololahooda Premier League iyo rikoor difaacasho fiican, Chelsea ayaa ka fakireysa in ay hesho daafac cusub suuqa soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Axel Disasi laga yaabo inuu kooxda ka tago, macalinka Chelsea Enzo Maresca ayaa doonaya inuu xoojiyo safkiisa daafaca.
Araujo, oo 22 jir ah, ayaa 36 kulan u saftay Benfica, waxaana uu si joogto ah ugu soo bilowday xilli ciyaareedkan Primeira Liga iyo tartanka Yurub.
Qaab ciyaareedkiisa uu kaga horyimid kooxaha ugu sareeya yurub ee Atletico Madrid iyo Porto ayaa keentay in lala dhaco xirfadiisa ciyaareed.
Waxaana lagu soo waramayaa inuu soo jiitay dareenka Chelsea oo aad u raadineysa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda January inay lasoo wareegaan.
Saxiixaan ayaa loo arki doonaa mid Chelsea wax badan kusoo kordhin kara xili ciyaareedkaan tartamada kala duwan oo ay kujiraan.