Kooxda RB Leipzig ayaa sheegtay in £50 milyan oo ginni lagu burburin karo qandaraaska kubad sameeyaha reer Spain Dani Olmo ka hor inta uusan dhicin Isniinta.
Ciyaaryahankii hore ee Dinamo Zagreb ayaa durbaba soo jiitay indhaha kooxo waa weyn oo Yurub ka dhisan, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed loo riyaaqay, laakin wuxuu si adag ugu soo caan baxay bandhigyadiisii heerka sare ee Euro 2024.
Olmo ma ahayn doorashada Luis de la Fuente bilowgii tartanka oo waxa uu booska u waayay Rodri, Fabian Ruiz iyo Pedri, laakin si fiican oo qurux badan ayuu uga faaideystay kasoo kicista kursiga keeydka.
Olmo seddex gool ayuu ka dhaliyay tartanka isagoo markii ugu horeysay ka dhaliyay Georgia wareega 16 ka ka hor inta uusan kulankii Germany oo uusan dhalinin goolkii furitaanka iyo kulankii france oo uu saameyntiisa laha.
26 jirkaan wuxuu sidoo kale sameeyay labo caawin oo tartankan Euro ah, waxaana uu u muuqdaa inuu ku bilaaban doono finalka Axadda ee England, kaasoo imaanaya hal maalin ka hor inta uusan dhicin qandaraaskiisa oo 50 milyan oo ginni lagu burburin karo.
Sida laga soo xigtay The Mirror, kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ka cabsi qabta in Olmo ay lacag ku wayso iibkiisa maadamo heshiiskiisa uu isniinta dhacayo.
Chelsea iyo Liverpool ayaa labaduba si xoogan loola xiriirinayay saxiixa Olmo, waxaana la sheegay in Blues ay wadahadal la yeelatay, laakin heshiiska ayaa loo arkaa mid aan macquul aheyn.