Chelsea ayaa indhaha ku haysa laba tiir oo difaac ah oo ka tirsan Barcelona, kuwaasoo kala ah Jules Koundé iyo Ronald Araújo.
Sida laga soo xigtay warbaahinta England, kooxda reer London ayaa dooneysa inay 150 milyan oo Euro ku qarashgareyso labada ciyaaryahan, taasoo keeni karta inay gilgisho suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Blues oo xili ciyaareedkaan uu hogaaminayo Enzo Maresca ayaa wali ka liidata dhanka daafaca, Inkastoo ciyaartoyda Levi Colwill iyo Wesley Fofana ay ay xoojiyeen qaab ciyaareedkooda.
Araújo iyo Koundé ayaa kusoo baxay liiska ugu sarreeya daafacyada mudnaanta uu siinayo tababaraha Chelsea.
Ronald Araújo oo lagu yaqaano awood jireed ayaa noqday mid muhiim u ah Barcelona, wuxuuna wali qabaa dhaawac, Dhanka kale, Jules Koundé, oo ah daafac dhexe iyo midigta ka ciyaara labadaba, ayaa cadeeyay inuu u qalmo ku biirista kooxda Chelsea.
Si kastaba ha ahaatee, Barcelona si sahlan ma loogu qanci karaa in ay iska iibiso labada ciyaaryahan ee aasaaska u ah mashruuca Hansi Flick ee Barcelona.
Dalabka 150ka milyan ee Chelsea ayaa dhanka kale fursad u ah maamulka Catalan, oo xaalad xun oo dhaqaale kujira.