Xiriiro cusub ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay dhex maray kooxaha Chelsea iyo Napoli si ay uga wada hadlaan qaabka lacag bixinta ee heshiiska suurtagalka ah ee Victor Osimhen.
Labada naadi waxay og yihiin in wadahadaladu ay qaadan doonaan waqti dheeri ah sababtoo ah waxaa hubaal ah in aan la xalin doonin ka hor bartamaha August.
Inta badan guusha heshiiska waxay ku xirnaan doontaa lacagta go’an ee ay tahay inay Chelsea ku bixiso weeraryahanka Nigeria.
Blues ma rabto inay dhaafto €60 milyan, halka Napoli ay weydiisatay ugu yaraan 2 ciyaaryahan in heshiiska lagu darro , waana Romelu Lukaku iyo midkood Trevoh Chalobah ama Cesare Casadei iyo sidoo kale ku dhawaad € 80/90 milyan oo lacag caddaan ah.
Kulan kale ayaa la qorsheeyay in maalmaha soo socda uu dhaco , waxaana la filayaa in qodobada ugu muhiimsan ay soo baxaan.