Halyeyga reer Spain ee Cesc Fabregas ayaa ammaan kula dul-dhacay xiddig reer England ah oo awoodi la’ in uu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Gareth Southgate, kaas oo la isku raacsan yahay in ay tayadiisu sarrayso balse fursaddiisa xulku ay hoosayso.
Xulka England oo xalay fiidkii garoonka Wembley ku qaabbilay Brazil, ayaa waxa ay la kulmeen guul-darro 1-0 ah, waxaana goolka ka dhaliyey wiilka da’da yar ee Endrick oo 17 sannadood oo kaliya jira.
Ciyaartan saaxiibtinimo ayaa uu Ingiriisku ugu diyaar-garoobayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany bisha June.
Xulka England ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa ciyaarta Salaasada ee Belgium oo lagu dheeli doono isla garoonka Wembley, waxaana la filayaa in tababare Gareth Southgate uu isbeddello ku samayn doono safkii uu kula ciyaaray Brazil, isaga oo fursad siin doono ciyaartooyo uu ka midyahay James Maddison.
Cesc Fabregas oo usoo ciyaaray kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea, ayaa waxa uu ka hadlay tayada ciyaartoyda Ingiriiska, waxaana uu si gaar ah usoo xushay James Maddison oo uu sheegay inuu yahay ciyaartoy cajiib ah balse aan boos ka helin xulka England.
“Anigu waxa aan jeclaan lahaa in Maddison uu mar walba kooxdayda ku jiro sababtoo ah waa ciyaartoy shaqsiyad fiican leh. Mar walba waxa aad arkaysaa sida uu iskugu kalsoon yahay.” Ayuu yidhi Cesc Fabregas.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxa uu leeyahay shaqsiyad, kubadda ayuu dalbadaa waxaanu sameeyaa farsamooyin iyo abuuris xaalado iyo fursado. Wuxuu ku fiican yahay goysmada, waxa uu sameeyaa caawin wanaagsan iyo goolasha oo uu dhaliyo. Run ahaantii waa ciyaartoy dhamaystiran aniga fikirkayga.
“Waxa ay isfaham wanaagsan leeyihiin Son iyo weeraryahannada, aniga aragtidaydana waa ciyaartoy heersare ah.
“Marka aad tababare tahay, waxa aan hubaa in aad u baahan tahay in aad ogaato awoodda ciayartoydaada iyo kuwa tayada fiican ee aad haysato.”