Cesc Fabregas wuxuu ahaa khad dhexe oo cajiib ah , farsamo ahaan qurux badan, maskax badan, kubad baaskiisana uu ahaa heer sare.
Ha ahaato Arsenal, Barcelona ama Chelsea wuxuu ku qaatay sannadihiisii ugu fiicnaa.
Si ku habboon, waxa uu ka garab ciyaaray qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda dhabta ah ee kubbadda cagta, isagoo ku guuleystay Koobka Adduunka iyo dhowr tartan oo Yurub ah.
Waxa uu ahaa furaha furi laha quful kasta oo daaficisu adag yahay.
Wuxuu kooxaha qaar uu u ciyaarayay lambarka sagaalka faalsada ah ama sagaalka beenta ah.
Fabregas ayaa doortay shax ka kooban 11 ciyaaryahan oo ka mid aha ciyaartoydii ugu wacneyd ee uu ka garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed.
Waa kan kooxdii uu doortay Isbaanishka, Waa hal cadaab oo koox ah.
Goolhaye: Iker Casillas, oo ay waqti ku qaaten qaranka Spain, isagoo ka doortay, Peter Czech oo ay Arsenal kasoo wada bariiseeyeen iyo Thibaut Courtois oo ay Chelsea kusoo wada xariiftameen.
Daafac Midig: Dani Alves , Kooxda Barcelona ayee kawada tirsanayeen.
Daafac Dhexe: John Terry , Chelsea ayee kasoo wada xamaasheen.
Daafac Dhexe: Gerard Pique , Barca ayee kawada tirsanayeen.
Daafac Bidix: Jordi Alba , Barca ayee kawada tirsanayeen.
Khad Dhexe: Patrick Vieira , waxay kawada tirsanayeen kooxda Arsenal
Khad Dhexe: Andres Iniesta , waxay kawada tirsanayeen kooxda Barca.
Garabka Midig: Eden Hazard , waxay kawada tirsanayeen Chelsea.
Garabka Bidix: Lionel Messi , waxay waqti kuwada qaaten Barcelona.
Weerar: Thierry Henry , waxay kawada tirsanayeen Arsenal.
Weerar: Diego Costa , waxay kawada tirsanayeen kooxda Chelsea.