Macalin Carlo Ancelotti ayaa muujiyay go’aan adag oo ku aadan weeraryahankiisa
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna doonayn in ay u ogolaato Arda Guler in uu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
19 jirkaan ayaa u dhaqaaqay Bernabeu xagaagii hore isagoo kaga soo biiray Fenerbahce, laakiin dhibaatooyinka jirdh ahaaned iyo tartanka boosaska ayaa ku soo koobay kaliya 12 kulan intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24.
Guler waxa uu dhaliysy lix gool qaybihii dambe ee xilli ciyaareedka La Liga, inkastoo, qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa uu ahaa kulankii Villarreal ee May 19keeda, markaasoo uu laba gool ka dhaliyay.
Da’yarka ayaa markaas Turkiga u matalay Euro 2024, isagoo dhaliyay hal gool, labo kalena caawiye ka ahaa shan kulan oo uu tartankan ka soo muuqday, iyadoo xulkiisa ay si cajiib ah u gaartay wareega 8da.
Waxa todobaadyadii u dambeeyay soo baxayay hadal hayn badan oo ku saabsan mustaqbalka Guler, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in loo ogolaan karo inuu amaah ku baxo ololaha 2024-25.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Real Madrid ma rabto inay amaah ku fasaxdo da’yarkan xagaagan.
Bayer Leverkusen ayaa lagu tiriyaa inay xiiseyneyso, laakiin xiriirka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay ‘calaamad ballaaran’, iyadoo Los Blancos ay u aragto qeyb muhiim ah oo ka mid ah qorshayaasheeda hore.
Guler ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa Euro 2024, isagoo ka ciyaarayay midig iyo dhexda, laakiin shaqadii ugu fiicneyd ee uu u qabtay Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa hoos ugu dhacday dhanka midig.
Waxaa jiri doona tartan adag oo xilli ciyaareedka soo socda ah, maadaama Kylian Mbappe iyo Endrick ay yimaadeen si ay u xoojiyaan koox horeba u xooganayd.
Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto shaxda 4-3-3 ee 2023-24, iyadoo Jude Bellingham uu ka ciyaari doona dhexda.
Vinicius Junior iyo Mbappe ayaa noqon doona kuwo lama taabtan ah, iyadoo Rodrygo uu ugu cadcad yahay inuu ka ciyaaro dhanka midig halka Endrick uu suge u noqon doono seddexda hore.
Si kastaba ha noqotee, booska Rodrygo lama dammaanad qaadi karo, haddii Guler uu qaab ciyaareed fiican la yimado Rodrygo ayaa muran gali kara booskiisa.