Premier League ayaa loo arkaa inuu yahay horyaalka ugu fiican adduunka, sida dad badan aaminsan yihiin.
Horyaalka Ingriiska waxaa loo malaynayaa inuu soo jiitay ciyaartoyda ugu fiican dunida iyo maamulayaasha ugu fiican, wuxuuna leeyahay kooxaha ugu fiican ee heysta ciyaartooyda ugu weyn dunida.
Wuxu heystaa caawa fursad weyn oo uu ugu guulaysan karo Ballon d’Or, isagoo soo afjari karo sugitaan dheer.
Xaqiiqdii, ciyaaryahan Premier League ah kuma guuleysan abaalmarinta tan iyo 2008dii. Markaas Ronald oo Man Utd ku sugnaa ayaa ku guuleystay.
Waxaa lagajoogaa 16 sano mudadaas, Rodri ayaa u muuqda inuu soo afjari doono caawa.
Premier League wax weyn ayay kaga dhigan tahay in ay ku guuleystaan abaalmarintaan muddo dheer kadib.