Chelsea oo ku fadhiya hal bilyan ginni ayaa kaliya afar ciyaaryahan ku yeelan doonta koobka Qaramada Yurub ee Euro 2024, waana in ka yar Bournemouth iyo Fulham.
Daraasad lagu sameeyay kooxaha Premier League ee ciyaartoyda ugu badan iyo ciyaartoyda ugu yar ku yeelan doona tartanka ayaa lagu ogaaday in Chelsea ay soo geli doonto kooxaha ciyaartoyda ugu yar u diri doona Euro 2024 inkastoo laacibiin qaali ah ay kooxda ka buuxaan.
Connor Gallagher oo 11 kulan u saftay England ayaa la filayaa inuu xulka Southgate qeyb ka noqdo si la mid ah Ben Chillwell iyo Cole Palmaer. Waxaa isna xulkiisa matali doona goolhayaha Serbia Djordje Petrovic.
Fulham iyo Bournemouth waxaa la hubaa in min shan ciyaaryahan ay ka aadayaan tartanka Qaramada Yurub, laakiin kooxda Premier League ee ciyaartoyda ugu badan u diri doonto Euro 2024 waa Man City oo 14 ciyaaryahan ay ka aadi doonaan tartanka.
Arsenal iyo Man United waxaa laga filayaa inay min sideed ciyaaryahan ku yeeshaan Euro 2024 halka Liverpool iyo Tottenham ay diri doonaan min lix xiddig. Sheffield United, Nottingham Forest, Crystal Palace iyo Burnley waxay tartanka Qaramada Yurub ku yeelan doonaan min hal ciyaaryahan.