Difaaca rer France ee Raphael Varane ayaa uu waqtigiisa Old Trafford dhamaad kusii dhowaanayaa, waxaana uu ka bixi doonaa marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Varane ayaa iska diiday in uu la hadlo kooxdiisa oo uu qandaraas cusub u saxeexo, iyadoo Red Devils isku dayaysa inay sii haysato ugu yaraan hal sano oo kale, laakiin beddelkeeda waxa uu ruug-caddaagani doortay inuu soo afjaro waayihiisa Old Trafford.
30 jirkan oo uu soo gaadhay dhaawac horleh oo uu dhawr toddobaad garoomada kaga maqnaan doono, ayaa waxa iyadoo laga daaweynayo muruqa uu go’aansaday in uu dhabarka u jeediyo kooxdiisa.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Ravarane oo toddobaadkii mushahar uga qaata Manchester United lacag dhan £340,000 ayaa waxa uu saluugsan yahay natiijooyinka liita ee ay kooxdiisu ka keenayso garoomada, balse waxa uu ku xidhayaa shuruud ah in ay kordhiyaan mushaharka.
Sidoo kale, Manchester United waxa ay hubanti la’aan ka tahay Casemiro oo aan la hubin in uu sii joogayo kooxda, waxaana kubad-burburiyaha reer Brazil uu dabada ka riixayaa in xagaaga la fasax.
Haddii Manchester United ay ka tagaan Casemiro iyo Varane, waxa u baaqan doonta lacag ka badan £35 milyan oo Gini oo sannadkii ay mushahar uga qaadanayeen labadan ciyaartoy.