Kylian Mbappe ayaa dhaliyay 9 gool tan iyo markii uu ku biiray Real Madrid, hase yeeshee waxaa lagu ciribtiray ciyaartii Champions League ee ay la yeesheen Liverpool.
Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Real Madrid ay taageeri doonto Mbappe maadaama xilligan uu ku jiro “xaalad adag” kadib markii uu ku fashilmay ciyaartii ay 2-0 kaga badiyeen Liverpool.
Ancelotti ayaa sharaxay in Mbappe uu lumiyay kalsoonidiisii kadib markii uu qasaariyay goolal badan, gaar ahaan rikoodhadii uu ka qabtay Kelleher.
“Tan ayaa horey ii qabsatay inta badan nolosheyda, weeraryahan marka aad tahay waxaad rabtaa inaad goolal dhaliso si aad u hesho kalsooni,” ayuu yiri Ancelotti.
“Waxaan u maleynayaa in Mbappe uu ku jiro xaalad adag, waa inaanu taageerno oo aan siino jacayl, si dhakhso ah ayuu u fiicnaan doonaa.”
“Waxaa dhici karta inaa tahay kalsooni la’aan, mararka qaarkood marka waxyaabaha aysan si sax ah u socon, fikradda waa in aad wax walba fududaysato, ha is raacin nolosha.”
“Ma ahan inaan eedeynno sababta uu u qasaariyay rigooraha, dadka waa ay qasaariyaan rigoore, taas waa caadi.”
Mbappe ayaa dhaliyay 9 gool 18 kulan oo uu u ciyaaray Madrid tan iyo markii uu ka tagay Paris Saint-Germain xagaagii hore. Laakiin, hal gool oo kaliya ayuu ka dhaliyay Champions League, iyadoo kooxdiisa ay ku guuldareysatay saddex ka mid ah shan ciyaarood.