Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa taageero u muujiyay Vinicius Junior, isagoo sheegay inuu xiddigu dib u heli doono qaab ciyaareedkiisii wacnaa kulanka ay la ciyaarayaan Arsenal ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League.
Vinicius Junior ayaa kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid la ciyaartay Valencia xusuus xun ka qaaday. Inkastoo uu dhaliyay goolka kaliya ee kooxdiisa, haddana rigooradii uu lumiyay bilowgii ciyaarta ayaa sahashay in Valencia ay ciyaarta ku badiso 2-1, taasoo guul muhiim ah ka siisay La Liga.
Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa difaacay ciyaaryahanka reer Brazil, isagoo sheegay in uu filayo in Vinicius uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigi doono kulanka muhiimka ah ee Arsenal.
Tababaraha reer Talyaani ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kahor ciyaarta ku yiri:
“Wali lama hadlin isaga. Si fiican ayaan u garanayaa inuu si ka fiican u ciyaari karo. Wuxuu yeelan doonaa ciyaar weyn berri.”
Ancelotti sidoo kale wuxuu bixiyay war cusub oo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda, isagoo yiri:
“Ma aqaan haddii ay iga daaleen, laga yaabee… laakin waxa ugu muhiimsan waa in qofka ugu awoodda badan kooxda (Florentino Pérez) uusan iga daalin. Waxa beddeli kara xaaladda waa in qofkaas muhiimka ah uusan daalin.”
Sidoo kale, wargeyska Marca ayaa Isniintii sheegay in Vinicius Junior laga qaaday mas’uuliyadda rigoorooyinka kooxda, iyadoo Kylian Mbappé uu hadda noqon doono ciyaaryahanka qaabilsan toogashada rigoorada ee Los Blancos marka laga bilaabo kulanka ugu soo horreeya.sababta Vini looga wareejiyay riigoore laadida ayaa lagu sheegay iney tahay in xiddiga laga qafiifiyo mas’uuliyadda si uu diiradda u saaro horumarkiisa.