Brahim Diaz ayaa ku qeyliyay “Car Hadal hadda!” tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone kaddib markii uu dhaliyay goolka guusha ee Real Madrid kulankii Champions League ee Talaadadii.
Simeone ayaa kahor kulankii lugta hore ee wareegga 16-ka sheegay inuusan rumeysneyn in Diaz uu ku soo bilaaban doono ciyaarta, isagoo saadaaliyay in Eduardo Camavinga iyo Luka Modric la doorbidi doono. Si kastaba, xiddiga reer Spain ayaa ka soo muuqday safka hore ee Carlo Ancelotti waxaana uu dhaliyay goolka guusha ee kulankii ay Real 2-1 kaga adkaatay Atletico Madrid garoonka Santiago Bernabeu.
Diaz ayaa inta badan loo adeegsaday ciyaaryahan keyd ah xilli ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday afar kamid ah 11-kii kulan ee Real Madrid ay ciyaartay Champions League. Laakiin ganaaxii Jude Bellingham ayaa fursad siiyay xiddigan da’da yar, kaasoo si buuxda uga faa’iideystay.
Kahor ciyaarta, Simeone ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in Modric iyo Camavinga ay ku soo bilaaban doonaan halkii uu Brahim ku soo bilaaban lahaa, laakiin weli waa doorasho.” Markii uu Diaz dhaliyay goolka guusha, waxaa la arkayay isagoo ku qeylinaya dhanka kursiga Atletico: “Hadal hadda, hadal hadda. Shalay ayaad hadashay, hadal hadda!”