Enzo Maresca ayaa soo bandhigay qaab cusub oo weerar ah isbuucii hore kaas oo laga yaabo inuu u diyaariyay inuu ku wajaho Manchester United kulanka caawa ee Old Trafford.
Iyadoo garabka amaahda ah ee Jadon Sancho uusan wajihi karin kooxdiisii hore caawa, tababaraha caqliga badan ee Chelsea ayaa fursad u helay inuu tijaabiyo shax cusub kulankii ay 2-1 ay kaga badiyeen Newcastle United.
Tijaabadu waxay u shaqeysay si cajiib ah, iyadoo Cole Palmer iyo Pedro Neto ay si heer sare ah iskaashi fiican u sameeyeen, waxaana labadooda gadaal ka taagan Reece James.
Palmer ayaa booskiisa caadiga ah ee midigta isticmaali doona, laakiin habkan cusub ayaa si fiican usiinaya inuu doorar badan ku yeesho garoonka.
Neto iyo Noni Madueke ayaa soo bandhigay dardar xoogan iyadoo Chelsea ay ku ciyaari doonto 3-2-2-3 waa shax kubad heysasho leh,.
James wuxuu noqday daafaca ugu socodka badan si lamid ah Malo Gusto oo meel sare ka soo ggalay shaxdaan isagoo Palmer dhanka midig kala ciyaarayay.
Baaskii dareenka lahaa ee Palmer uu siiyay Pedro Neto oo caawiyay goolkii furitaanka ee Nicolas Jackson ayaa ahaa mid ka mid ah waxyaalihii ugu fiicnaa ee shaxdaan lagu arkay.
Haddii Palmer uu u ciyaaro qaabka uu doonayo tababaraha, daafaca dhexe ee Man Utd Matthijs de Ligt ayaa looga baahan yahay inuu sameeyo taxadar badan.