Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa ku dhow inuu heshiis cusub la galo kooxda heysata horyaalka Premier League, sida laga soo xigtay The Mirror.
Heshiiska ayaa ka dhigi doona xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka England inuu noqdo Haaland.
City ayaa u soo bandhigtay weeraryahanka Norway lacag dhan £500,000 todobaadkii, taasoo aad uga sareysa ciyaaryahanka haatan ugu mushaarka badan Premier League oo ah saaxiibkiis Kevin De Bruyne oo qaata £400,000 todobaadkii.
Saraakiisha kooxda ayaa dhawaan la kulmay qoyska Haaland iyo wakiilkiisa Rafaela Pimenta, waxayna wadahadalo wanaagsan ka yeesheen xaalada heshiiskiisa cusub.
Haddii qandaraaska la saxiixo, ciyaaryahanka Haaland ayaa sii joogi doona Man City ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2028-29.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal dhinac oo ka mid ah shuruudaha heshiiska cusub oo dib u dhigaya wadahadalka ciyaaryahanka iyo kooxda.
24-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan lagu burburin karaa 150 milyan ginni, waxaana ay kooxdu dooneysaa in ay dib u habeyn badan ku sameyso qandaraaskiisa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa in wada xaajoodka sii socdo maalmaha soosocda si heshiiska cusub loo saxiixo.