Kooxda kubadda cagta Arsenal waxa ayaa tirsanaysa caddaalad-darro iyo in horyaalka Premier League uu kula jiro dagaal sababi karaya in lugta loo qabto kooxaha ay xafiiltamayaan ee Liverpool iyo Manchester City.
Sidii aanu warbixinahayagii hore idiinku soo gudbinay, Arsenal waxa ay dheeli doontaa 10 ciyaarood bisha April ee foodda innagu soo haysa, waxaase haddana kusoo korodhay arrin kale oo hadda walaac kale kusii abuuraysa Arsenal.
Ciyaarta Arsenal ay safarka ugu tegayso Tottenham ee April 18, ayaa waxa ay Arsenal ku noqonaysaa madax-xanuun sababtoo ah waqtiga laga dhigay iyo jadwalka labada kooxood ee ka hor ciyaartaas.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waxa iskugu xigaya Chelsea iyo Tottenham oo iyagoo aanu kulamadooda waqti nasasho fiican ay ku qaataan aan haysanin ay iska hor iman doonaan.
Tottenham ayaa 14ka April waxa ay waajihi doontaa Newcastle United, kaddibna waxa ay geli doontaa fasax 15 maalmood ah oo ay iskugu diyaarin doonaan kulanka Arsenal ay ku martigelinayaan.
Laakiin Arsenal oo 23ka April ka ciyaaraysa Chelsea ayaa iyadoo afar maalmood oo kaliya nasatay waxa ay u tegaysaa Tottenham oo 15 maalmood ay ciyaartoydeedu nasteen.
Arrintan ayaa waxa ay Mikel Arteta ku abuuraysaa walaac kale, iyadoo laba ciyaarood oo waaweyn oo isku reer London ay yihiina ay iskugu xigayaan.
Waakan jadwalka madax-xanuunka ah ee Arsenal: