Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ay kasoo gaadhay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, waxaana ay xajisan waayeen laba gool oo nadiif ahaa oo ay kala hormareen kooxda Heidenheim oo ku karbaashtay 3-2, iyaga oo 16 dhibcood hadda ka dambeeya Bayer Leverkusen oo guul kale soo hoysay.
Bayern Munich ayaa laba gool dhalisay qaybta hore, iyadoo ay Harry Kane iyo Serge Gnebry ay shabaqa soo taabteen, laakiin libintan ayaa isku rogtay khasaare inkasta oo qaybta hore ay ku dhamaatay 2-0 ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Bayern Munich.
Daqiiqaddii 38aad ayuu Harry Kane hoggaanka u dhiibay kooxdiisa, waxyar kaddibna Gnabry ayaa keenay gool labaad oo u muuqanayay in ay Munich kusoo laabatay jidka guusha oo ay dib u dhigayso waqtiga ay Bayer Leverkusen u dabbaal-degayso horyaalka.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay kooxda garoonkeeda joogtay ee Heidenheim ay lasoo gashay garoonka firfircooni iyo inay ka shaqayso khadka dhexe, sidoo kalena ay garbaha weerarku noqdaan kuwo aan la joojin karaynin.
Shan daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayay Heidenheim keentay goolkeeda koowaad ee ciyaarta, waxaana Kevin Seska oo ka mid ahaa saddex beddel oo waqtigii nasashada uu sameeyey tababare Frank Schmidt.
Isla markii kubadda dib loo bilaabay ee ciyaartoyda Bayern Munich ay isku taabteen, ayaa kubaddu waxa ay si degdeg ah gacanta ugu gashay xiddigaha Heidenheim oo weerar degdeg ah ku qaaday goolka Munich, waxaana shabaqa ku hubsaday Kleindienst oo daqiiqaddii 51aad ciyaarta ka dhigay 2-2.
Bayern Munich oo isku dayaysa inay dagaallanto oo ay keento gool u go’aamiya guusha, ayaa waxa lagu aamusiiyey gool saddexaad oo daqiiqaddii 79aad uu ka dhaliyey Kleindienst oo laba jeer shabaqa Munich soo taabtay.
Natiijadan ayaa ka dhigan, in Bayern Munich laga badiyey laba ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Bundesliga ah, waxaana usbuucii hore 2-0 ku jiidhay Borussia Dortmund.
Dhinaca kale, Bayer Leverkusen ayaa sii wadata mucjisadeeda guul-darro la’aanta, waxaanay 1-0 kaga akdaadeen 10 ciyaartoy oo Union Berlin ah oo ay marti u ahaayeen.
Gool rikoodhe ahaa oo dhamaadka qaybta hore uu dhaliyey Florian Wirtz ayaa Bayer Leverkusen siiyey guushan oo keentay inay 16 dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka horyaalka Bundesliga.
Liverkusen oo aan mar kaliya laga badinin xilli-ciyaareedkan dhamaan tartamada ayaa waxa horyaalka loo calseemo-saari doonaa toddobaadka dambe haddii ay guuleysato amaba la qabto Bayern Munich.