Bukayo Saka ayaa sheegay in Arsenal aysan ku celin doonin qaladaad la mid ah midkii xilli ciyaareedkii hore markaasoo ay iska qasaariyeen hogaan sideed dhibcood ah taasoo keentay in Man City ay horyaalka ka qaado.
Gunners ayaa xalay oo Axad aheyd ka badisay kooxda Brighton waxayna ku soo laabteen hogaanka horyaalka Premier League.
“Gudaha waan ka guuxeynaa dhamaanteen” ayuu yiri Saka oo rigoore goolasha ugu furay Arsenal ka hor inta aysan goolal kale dhalinin Kai Havertz iyo Leandro Trossard.
“Waan ognahay in guushaan ay dib inoogu celineyso kaalinta ugu sareysa. Waxaan dhiseynaa waqti horusocod ah.” ayuu yiri.
“Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ma aheyn mid aad u fiican, laakiin sina wuu u fiicnaa marka laga eego casharkii aan ka baranay. Kulamada sidaan oo kale ah waxaan u baahanahay inaan hurdo u dirno. Sannadkan waxaan dareemeynaa deganaansho. Waxaan dareemayaa inay kooxda ka fiican tahay sidii hore.
“Ka soo bilow goolhayaha ilaa weerarka dhexe, waad aragtay sida adag ee uu Kai Havertz u shaqeynayo. Waan garaneynaa haatan sida loo xaliyo cadaadiska tartanka horyaalka. Waxaan garoonka u soo galnaa inaan badino, waana taas waxa aan maskaxda ku heyno.”
Arsenal ayaa haatan hal dhibic hogaanka uga heysa Liverpool iyo Manchester City laakiin Liverpool kulan ayaa u harsan iyagoo caawa oo Axad ah la ciyaaraya Manchester United.