Bukayo Saka oo Dhaawac Soo Gaaray Kulankii Crystal Palace
Arsenal ayaa wajahaysa walaac weyn kaddib markii Bukayo Saka uu dhaawac soo gaaray intii lagu jiray kulankii Premier League ee ay Sabtidii la ciyaareen Crystal Palace.
Xiddiga heerka caalami ee England, oo kulanka ku bilowday garabka midig, ayaa u muuqday inuu ka dhaawacmay muruqa. Saka, oo 23 jir ah, ayaa la beddelay intii ciyaartu socotay kaddib markii uu ka dareemay xanuun muruqa.
Markii uu garoonka ka baxay, Saka ayaa lagu arkay isagoo ku boodaya birta dhaawaca, taas oo muujineysa in dhaawaca uu yahay mid la qiimeyn doono si faahfaahsan maalmaha soo socda.
Waxaa weli shaki weyn ku jira haddii uu taam u noqon doono kulanka ay Arsenal toddobaadka dambe la ciyaari doonto Ipswich Town.
Dhaqaatiirta kubadda cagta ayaa aaminsan in dhaawaca Bukayo Uu qaadan doono ugu yaraan hal bil.
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo Saka uu muhiim u yahay qorshihiisa xilli-ciyaareedkan. Dhakhaatiirta kooxda ayaa ku mashquulsan qiimeynta xaaladda xiddiga si loo go’aamiyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono.