Bruno Fernandes ayaa si daacad ah uga hadlay xaaladda Manchester United, isagoo sheegay in jawigu uusan wanaagsaneyn.
Wuxuu sheegay in casaankii uu qaatay uu niyad jab weyn ku abuuray.
Red Devils ayaa wajahaysa bilowgii ugu xumaa ee Premier League ee taariikhda horyaalka iyagoo ku jira kaalinta 14aad kaddib toddobo kulan oo ay ciyaareen, waxaana uu hoos u dhacaasi ku yimid iyagoo uu hogaaminayo tababare Erik ten Hag.
Ka hor fasaxa caalamiga ah Manchester Unuted ayaa labo barbaro oo aan qancin la gashay kooxaha Aston Villa iyo Porto,taasi ayaana abuurtay in uu qalqal weyn galo xilka tababare Ten hag.
Laakiin Ten Hag ayaa rajeynaya inay qaab ciyaareedkoodu soo hagaago kaddib fasaxa, si uu u xoojiyo booskiisa tababarka iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in kooxda ay baadi goobeyso bedelkiisa. Waxa Manchester lala xiriirinayaa dhoor tababare, waxaana ugu cadcad tababarihii kooxda Chelsea Thomas Tuchel.
Tababaraha Reer Dutch ayaa sidoo kale xiiseynaya natiijooyin sareeya si kor loogu qaado mooraalka kooxda, taasoo uu kabtankeedu shaaca ka qaaday in bilowga adag uu saameyn ku yeeshay.
“Ma ahan waqti wanaagsan,” ayuu yiri Fernandes, isagoo sababta ku sheegay inay tahay “inaysan badin kulamada” iyo inuu xaqiijiyey in “jawiga xulka qaranka uu si buuxda uga duwan tahay.”
“Waan ku raaxaysanayaa, isku xirnaanteenna xul ahaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. “Waxaan ku suganahay dalkayga, waxaan ku hadlaa luuqaddayda, waxaan leeyahay cunto fiican.
In kasta oo Fernandes uu qaatay casaankii labaad ee xirfadiisa Man United kulankii Porto taasoo ka dhigtay inuusan heli doonin fursad uu kaga qayb qaato tartamada Yurub ee soo socda, casaankiisii ugu horreeyey ee la siiyay maalmo kahor intaan 3-0 looga badinin ayaa laga cafiyay kaddib racfaan ay kooxdu ka qaadatay.
Sidaas darteed, Fernandes ayaa diyaar u noqon doona kulamada muhiimka ah ee Brentford iyo West Ham marka horyaalka Premier League uu dib u bilaabmo usbuuca soo socda.
Fernandes wuxuu carabka ku adkeeyey in diiradiisu ay si buuxda u saaran tahay inuu goolal badan u dhaliyo kooxda.
“Waxaan rajeynayaa in marka aan halkaas ku noqdo, aan goolal dhaliyo oo aan caawiyo kooxdayda inay guul gaarto oo ay soo ceshato heerkeedii fiicnaa.”
30 jirkaan ayaa rajeynaya inuu xoojiyo qaab ciyaareedkiisa heer caalami Sabtida fiidkii marka uu wajahayo Poland ciyaarta ugu horreysa ee Nations League ee Portugal.
Fernandes ayaa dhaliyey gool kulankii Scotland waxa uuna caawiye ka noqday gool kulankii Croatia intii lagu jiray isreebreebkii ugu dambeeyay. wuxuu mar kale wajahayaa Scotland kulanka labaad ee Group 1 kahor inta uusan ku soo laaban Old Trafford.