Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa tilmaamay hal farqi oo u dhexeeya kooxaha Manchester United iyo Manchester City kaddib markii ay Red Devils guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Citizens maalintii Axaddii.
City ayaa sida ay doonto ka yeeshay United oo ku garaacday 3-1, iyadoo gool waqti hore ahaa uu dhaliyey Marcus Rashford uu Phil Foden laba ugu beddelay ka hor intii aanu Erling Haaland ciyaarta kusoo xidhin gool uu qaladkiisa lahaa Phil Foden.
Bruno Fernandes oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ku dooday in bandhigga Manchester United aanu ahayn mid gebi ahaanba liitay, waxaase uu qirtay in labada kooxood uu u dhexeeyo hal farqi, waxaanu yidhi: “Dabcan waanu niyad-jabsanahay, waxaanay ila tahay in aanu ciyaarta wax ka heli kari lahayn.
“Kooxdu way dedaashay, qof kastaaana si adag ayuu iskugu dayey in aanu natiijo helno, laakiin suurtogal nooma ahayn. Waqtigii nasashada ayaan kooxda ku idhi, waxa habboon in aynu wax walba u samayno sidii aynu u difaacan lahayn xerada ganaaxa. Waanu ogeyn in is-difaac aanu xagga dambe ka galno iyo isku-duubni ay na caawin doonto.
“Waanu samaynay laakiin waxay ila tahay, in farqiga noo dhexeeyey annaga iyo Man City uu ahaa tayada shaqsiyaadka ciyaartoyda oo guusha siiyey Man City.”