Xiddiga xulka qaranka Portugal ayaa sheegay in uu helay dalabyo uu kaga tagi karo kooxda, balse uu go’aansaday in uu la hadlo maamulka sare ee United iyo tababarihii hore, Erik ten Hag.
Fernandes ayaa sheegay inuu rabay inuu ogaado haddii ay kooxda wali u aragto inuu qeyb ka yahay qorshahooda fog.
Xiddigii hore ee Sporting CP ayaa sheegay in loo caddeeyey in uu yahay xubin muhiim ah oo ka mid ah dib u dhiska kooxda, taasoo keentay go’aankiisa ah inuu sii joogo Old Trafford.
Fernandes ayaa u sheegay BBC Sport kaddib guushii 4-1 ee ay ka gaareen Real Sociedad wareegga 16-aad ee UEFA Europa League:
“Waxaan la fariistay kooxda sababtoo ah waxaan haystay dalab aan kaga tegi karo. Waxaan ka wada hadalnay suurtagalnimada inaan baxo ama sii joogo. Waxay ii sheegeen waxa ay iga filayeen.
“Waxaan kaliya weydiiyay haddii ay wali ii arkaan inaan qeyb ka ahay mustaqbalka kooxda ama aanan ahayn. Waxaan sidoo kale xilligaas la hadlay (Erik) Ten Hag.
“Wuxuu ii cadeeyay aniga, kooxda sidoo kale waa ii cadeeyeen, waxayna sheegeen inay aaminsan yihiin inaan qeyb weyn ka noqon doono dib u dhiska. Anigana waxaan filayay inaan guul gaari karno.”
Fernandes ayaa xilli ciyaareedkan ahaa wadnaha kooxda Manchester United.
Wuxuu hoggaamiyay guushii 4-1 ee ay ka gaareen Real Sociedad lugta labaad ee wareegga 16-aad ee UEL Khamiistii, Maarso 13.
Intii lagu guda jiray ciyaarta, Fernandes ayaa dhaliyay saddexleey (hat-trick), taasoo keentay in Red Devils ay ku soo baxaan wareegga 8-da UEL iyagoo guul ku gaaray 5-2 guud ahaan labada lugood.