Ruud van Nistelrooy ayaa ah qofka ugu cadcad inuu noqdo tababaraha xiga ee Leicester City, ilo wareedyo ayaa u sheegay Football Insider.
48-sano jirkaan ayaa kaga hormaray shaqadaan tababarayaasha waaya araga ah ee Graham Potter iyo David Moyes ka dib wadahadal horudhac ah oo uu la yeeshay maamulka Leicester City.
Leicester ayaa wadahadalo la yeelatay Van Nistelrooy, kaasoo kaliya ka tagay Man United laba toddobaad ka hor ka dib markii uu si ku meel gaar ah ula shaqeeyay.
Kooxda Premier League ayaa ka warqabta xiisaha macalinka reer Holland kaga imaanaya kooxda Jarmalka ka dhisan ee Hamburger SV, halkaas oo uu hal xilli ciyaareed ku qaatay isagoo ciyaartooy ah.
Foxes waxay ceyrisay Steve Cooper axaddii oo taariikhdu aheyd 24 November ka dib markii hoos u dhac weyn sameysay kooxdu.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Football Insider in Van Nistelrooy oo si ku meel gaar ah u sii hayay xilka Old Trafford ka dib markii Erik ten Hag la ceyriyay uu hadda shaqada kaga horeeyo Potter iyo Moyes oo lala xiriirinayay booskaan.